Xuska 3aad ee todobaadka dhaqanka Deegaanka Soomalida oo 11-ka bisha Magaabit lagu qaban doono magaalada Jigjiga.
Addis Ababa,Mar 12, 2021 (Megabit 03,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Xuska 3aad ee todobaadka dhaqanka Deegaanka Soomalida ayaa 11-ka bishan Magaabit lagu qaban doona magaalada Jigjiga.
Munaasibadan oo ay kasoo qaybgali doonaan in kabadan 338-qof oo ka kala socda 11-ka gobol iyo 6-da maamul magaalo ee deegaanka.
Xuskan oo inta badan lagu soo bandhigo dhaqamada soo jireenka ee somalida lagu yaqaano sida ciyaaraha iyo agab dhaqameedka kala duwan.
Xuskan todobaad ka dhaqan ka deegaanka oo sanadkiiba halmar la qabto ayaa waxaa sanadkan aad looga foojignaanayaa halista uu leeyahay caabuqa corana virusku, iyadoona la ilaalinayo kala fogaanshihii iyo isticmaalka agabka lagaga gaashaanto Covid-19.
Wasiir Ku-xigeenka xafiska Dhaqanka iyo Dalxiiska ee DDS mudane Salaad dhabbar yusuf ayaa sheegay in xusku uu socondoona mudo 7aad ah, laguna soo bandhigi doona dood-cilmiyeed iyo ciyaaro dhaqameed kala duwan.
SRTV Rasmi page