Fana: At a Speed of Life!

Xukuumadda Deegaanka Soomaalida oo go’aamisay in hal bil mushaharkeed loogu deeqo bulshada Deegaanka ee abaaruhu saameeyeen

Addis Ababa,Jan 05,2022 (Tihsas 27,2014 T.I (FBC/SOMALI)-Xukuumadda Deegaanka ayaa go’aamisay in bil mushaarka xubnaha magacaabista ah loogu deeqo bulshada Deegaanka ee abaaraysan; mushaarkaasi ayaana lagu qiyaasay 20 milyan oo birr.

Madaxweynaha DDS, mudane Mustafe Muxummed Cumar ayaa shir-guddoomiyay kulan ay yeesheen guddiga abaaraha Deegaanka Soomaalida oo lagaga arrinsaday xaaladda abaarta ee ka jirta Deegaanka iyo qaabkii loo samata bixin lahaa bulshada.

Waxaa la dhagaystay guud ahaan war-bixinta xaaladda abaarta Deegaanka, goobaha usii daran, jawaab-celinta ka xukuumad ahaan la sameeyay iyo tallaabooyinka xiga ee loo baahanyahay in la qaado si loo badbaadiyo nolosha bulshada iyo xoolaha.

fadhigan waxaa la iskula qaatay in qorshaha koowaad uu noqdo In cidna aysan macaluul udhiman iyo in la-bad-baadiyo xoolaha iyada oo la marayo mar-xalad walba oo fududaynaysa hirgelinta qorshayaashan inta ay jirto abaartan daran ee saamaysay nolosha bulshada.

Waxaana la faray guud ahaan hoggaaminta gobolada iyo degmooyinka in shaqadoodu kaliya ay noqoto gurmadka abaaraha, halka khayraadka iyo miisaaniyadda xukuumaddana la gelinayo qaabkii loogu gurman lahaa bulshada.

Ugu danbayn waxaa la sameeyay guddiyo uu hoggaaminayo Madaxweynaha DDS, mudane Mustafe Muxummed Cumar oo xidhiidhsan ilaa heer degmo kuwaasi oo si toosa ula socondoona dhaq-dhaqaaqa gurmadka abaaraha.

Xigasho: SRTV Somali

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.