Fana: At a Speed of Life!

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha:Buuxinta biyo-xidheenka sannadkiisii ugu horreeyay waa la gaadhay.

Addis Ababa Jul 22,2020 (Hamle 15,2012 T.I) (FBC/SOMALI)-Bayaan kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha dalkan Itoobiya ayaa lagu sheegay in la gaadhay buuxinta biyo-xidheenka (GERD) sannadkiisii ugu horreeyay.

Hadalkan ayaa yimid ka dib shirkii habka maqalka iyo muuqaalka ahaa ee aan caadiga ahayn ee xafiiska ururka midowga afrika uu shalay yeeshay kuna saabsanaa geedisocodka wadaxaajoodyada u dhexeeya Itoobiya, Suudaan iyo Masar ee la xidhiidha buuxinta koowaad iyo hawlgalka sannadlaha ah ee biyo xidheenka.

“Roobabka hadda jira iyo xaaladda guud ee gobolka ayaa ka dhigaya mid u diyaarsan in la buuxiyo biyo-xidheenka,” ayaa lagu yidhi bayaan ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha Midowga Afrika ahna madaxweynaha dalka koonfur Afrika Cyril Ramaphosa kadib kulankii ay shalay ku yeesheen habka maqalka iyo muuqaalka ah.

Kulankaas waxa ka qayb qaatay Dowlad Gobaleedyada iyo masuuliyiin sare oo ka socda Dowladda si loo gabagabeeyeyo in dhammaan dhinacyadu ay gaadhaan isfaham weyn oo guud oo wadada u xaadhaya heshiis wax-ku-ool ah, sida lagu sheegay bayaanka xafiiska.

Saddexda dal waxa ay ku heshiiyeen wadahadalo farsamo oo dheeri ah oo ku saabsan buuxinta sii wadida wadahadallada uu midawga Afrika(AU) gadhwadeen u yahay si loo gaadho heshiis muhiim ah.

Geesta kale, Itoobiya waxay mar kale ku celisay sida ay uga go’antahay wada xaajood dheellitiran oo guul leh xaqiijinayana in wabiga Abay(niilka buluuga ah) ay ka faa iideysan doonaan dhammaan seddexda wadan-ba.

Raiisel wasaare Dr Abiy Axmed ayaa bogaadiyay hawsha ay hogaamineyso Midawga Afrika- ee ay ku taageerayaan sedexda dal inay wax ka  qabtaan ismaandhaafka islamarkaana heshiis gaadhaan.

Dhanka kale, Ra’iisal Wasaaraha ayaa bogaadiyay go’aanka xallinta Afrika ee lagu xalliyo ismaandhaafyada (dhibaatooyinka) Afrika ee loo adeegsaday farsamada gobolka ee jirta.

waxaana uu markale Ra’iisal Wasaarahu ku nuux nuuxsaday sida ay uga go’antahay dalkan Itoobiya inay sii waddo adeegsiga si siman oo macquul ee biyaha wabiga Abay iyada oo aan waxyeello weyni ka soo gaadhayn dalalka Suudaan iyo Masar.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.