Wasiirka Biyaha, Waraabka iyo Tamarta ee dalkan Itoobiya oo sheegay in dhismihii biyo-xidheenku uu sidii loogu talogay u socdo
Addis Ababa,Jan 31, 2021 (Dir 23,2013 T.I (FBC/SOMALI)- Wasiirka Biyaha, Waraabka iyo Tamarta ee dalkan Itoobiya ,Seleshi Bekele ayaa sheegay in Dhismaha biyo-xidheenka weyn ee Itoobiya (GERD) uu u socda sidii loogu talagalay.
Wuxuu hadalkan ka jeediyay kulan uu xarunta iskudubaridka kula yeeshay qandaraaslayaasha, la taliyayaal, xubno guddi ah iyo shaqaalaha goobta.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu ku yidhi “dhismaha biyo-xidheenka (GERD) wuxuu u socdaa sidii loogu talagalay.”
Dr Seleshi oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in taageerada dadweynaha Itoobiyaanka ah ee gudaha iyo dibada ku dhaqan ee biyo xidheenka ay gaadhay heerkii ugu sarraysay.
“Waxaan siin doonnaa tamartan nadiifta ah,ku barwaaqaynta Itoobiya iyo Afrika,” ayuu yidhi.