Fana: At a Speed of Life!

Wasaaradda Dakhliga oo bishii May soo xaraysay 18.35B oo Birr

Addis Ababa june 11,2020 (Senee 04,2012 T.I)-Wasaaradda Dakhliga ayaa sheegtay in bishii May (Ginbot,2012 T.I) ay soo xaraysay dhakhli dhan 18.35B oo Birr.

Wasaarrada dakhligu waxa ay ku guulaysatay 70% qorshihii u dejisnaa ,oo ahaa in ay kusoo xarayso 23.6 Bilyan oo Birr bishii May (Ginbot) ee aynu soo dhaafnay,islamarkaana dakhligu waxa uu kasara maray qadar isku mid oo ah 3.8 bilyan oo Birr labadii sannadood u dambeeyay ayaa lagu sheegay bayaankan.

Cashuuraha guduhu waxa uu ka badan yahay 10.4 Bilyan oo Birr marka loo eego wadarta dakhliga la soo aruuriyay halka saamigii waajibaadkii shaqo ee caadiga ahaana ay ku dhaw yihiin 8 Bilyan oo Birr.

Wasaaradda Dakhliga ayaa xaraysay in ka badan 217 Billion Birr 11kii bilood ee la soo dhaafay taas oo noqotay in kabadan 89 boqolkiiba qorshaheedii dakhli aruurinta ee sanadlaha.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.