Fana: At a Speed of Life!

Wasaaradda arrimaha dibedda: Itoobiya waxa ay ka shaqaynaysaa sidii ay u xoojin lahayd xidhiidhkeeda dublamaasiyadeed ee qotadadheer ee ay la leedahay dalalka kale iyadoo ilaalinaysa madax-banaanideeda

Addis Ababa,Jan 06,2022 (Tihsas 28,2014 T.I (FBC/SOMALI)-Warsaxaafadeed ay soo saartay  wasaaradda arrimaha dibeddu ayaa ay ku sheegtay in Itoobiya ay ka shaqaynayso sidii ay u xoojin lahayd xidhiidhkeeda dublamaasiyadeed ee qotadadheer ee ay la leedahay dalalka kale iyadoo ilaalinaysa madax-banaanideeda.

Af-hayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda, Danjire Dina Mufti ayaa war-saxaafadeedkaas ku sheegay in sannadkii 2021-kii ay Itoobiya ay soo food saareen caqabado badan, isla markaana lagu dadaalay sidii looga gudbi lahaa.

Waxa uu sheegay in ay jireen wadamo la jiray Itoobiya sidii ay uga gudbi lahayd cadaadisyadii kaga imanayay gudaha iyo kuwii shisheeyahaba.

“Itoobiya waxa ay aad uga shaqayn doontaa sidii ay sannadkan 2022-ka ay dalal kala duwan ula yeelan lahayd  xidhiidh diblomaasiyad oo adag” ayuu yidhi Danjire Dina Mufti.

Waxa kale oo uu xusay in safiirro ka socday toban dal ay dhawaan waraaqahooda aqoonsiga u gudbiyeen Madaxweyne Sahlework Zewde.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.