Trump iyo marwadiisa oo laga helay feyraska koroona
Ababa Oct 02, 2020 (Maskerem 22,2013 T.I) (FBC/SOMALI)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in isaga iyo Marwada Koobaad Melania Trump laga helay fayraska korona haatanna ay iskarantiileen ,waxaana uu arrintaas ku shaaciyay qoraal u so dhigay bartiisa Twitterka.
Madaxweynaha waa 74-jir sidaasi daraadeedna waxa uu ka mid yahay dadka halista wayn uu ku keeni karo cudurkan, ayaa warka ah inuu xanuunku haleelay waxa uu ku shaaciyay bartiisa Twitterka. “Si wadajir ah ayeynu kaga soo wadakabsan doonnaa,” ayuu soo qoray.
Arrintan ayaa imanaysa kaddib markii mid ka mid ah lataliyaashiisa aadka ugu dhaw, waa Hope Hicks ee, laga helay cudurka Covid-19.
Hope Hicks, waa 31-jir latalisa madaxweynaha, waana qofkii ugu dhawaa ee ka mid ah lataliyayaasha soke ee Mr Trump ee illaa hadda cudurka laga helo.
Waxa ay madaxweynaha kula safartay diyaaradda Air Force One markii uu ka qeybgalayay dooddii taleefishinka ee horraantii todobaadkan lagu qabtay Ohio.
Aroortii Khamiista ayu Mr Trump sheegay in isaga iyo xaaskiisa, oo 50-jir ah, inay karantiil galayaan kaddib markii Ms Hicks laga helay cudurka Covid-19.
Waxa uu bartiisa twitterka soo dhigay: “Hope Hicks, oo howl adag haysay oo weliba aanan fasax badan qaadan, ayaa waxaa laga helay Covid-19. Waa wax aad looga xumaado!
“Marwada Koobaad iyo aniga waxaynu sugaynaa natiijada baaritaankii nalaga qaaday. Sidaas oo ay tahayse, waxaynu bilaabi doonnaa hannaankii aynu isku karantiilaynay!”
Ma cadda sida cudurkan laga helay Mr Trump ay u saamayn doonto qabanqaabada doodda madaxtinimada ee labaad, taas oo la qorsheyay in Miami, Florida, lagu qabto 15-ka bishan Oktoobar.
Xigasho:BBC