Tirada xaaladaha feyraska ee dalkan itoobiya oo kor u dhaaftay lixdan kun
Ababa Sep 9, 2020 (Baagume 4,2012 T.I) (FBC/SOMALI)-Wasaaradda caafimaadka dalkan Itoobiya ayaa shalay warbixinteedii maalinlaha ahayd ku diiwaangelisay 1,136 xaaladood oo cusub iyo16 qof oo u dhintay feyraska koroona 24-kii saacadood ee lasoo dhaafay.
Geesta kale, tirada xaaladaha feyraska ee dalka ayaa haatan kor u dhaaftay lixdan kun iyada hadda ku taagan 60,784 kiis, sida ay xaqiijisay wasaaradda caafmaadku.
Tirada u dhimatay feyraska koroona guud ahaan dalka ayaa hadda dhan 949.
Wasaaradda ayaa sidoo kale,warbixinteeda ku xaqiijisay in 888 qof ay xanuunka kasoo bogsadeen 24-kii saacadood ee lasoo dhaafay,tiradaas oo dadka feyraska ka caafimaaday guud ahaan dalka ka dhigtay 22,677.
Waqti xaadirkan dadka ku jira qaybta xaaladda ildarnaanta ah (aadka u xanuunsanaya) ayaa dhan 307 ruux halka guud ahaana ay xanuunka u jiifaan (uu hayo) 37,156 ruux.
Ilaa hadda dalkan Itoobiya ayaa tijaabo sheybaadh ku fuliyay 1,078,269.