Suudaan oo ganafka ku dhufatay dalabkii masar ee buuxinta biyo xidheenka
Addis Ababa june 22,2020 (Senee15,2012 T.I) (FBC/SOMALI)-Dawlada Suudaan ayaa sheegtay in aanay taageersanayn qaraarkii Masar ay u gudbisay Golaha Ammaanka ee Qaramada midoobay si loo xalliyo arrimaha la xidhiidha buuxinta biyo xidheenka ee dalkan Itoobiya
Xukuumada Qaahira ayaa hadal ay soo saartay Jimcihii ku sheegtay in ay ugu baaqday Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSC) in ay soo fara galiyaan wadahadalada u socda dhinacyada ee ku saabsan biyo xidheenka.
Wasiiru dowlaha Arimaha Dibada ee Suudaan, Cumar Qamar Al-Din, ayaa wareysi uu siiyay laanta afka carabiga ee BBC-da ku sheegay in wadankiisa aanu taageersaneyn go’aankii Masar ee ahaa in arrinta biyo xireenka loo gudbiyo Golaha Ammaanka.
Dhanka kale; masuulka dalkan Suudaan ayaa sheegay in tallaabada Masar ay qaaday adkeyn doonto xaaladaha xasaasiga ah” waxaana uu diirada saaray baahida loo qabo in la gaadho heshiis saddex geesood ah oo ku saabsan xal waara ka gaadhista arrinta.
Wasiirka Waraabka iyo biyaha ee Suudaan, Prof. Yasser Abbas, ayaa sidoo kale sheegay in Khartoum ay wali ku adkeysanayso mowqifkeeda adag ee ah, in wadaxaajoodyadu ay yihiin habka wax ku oolka ah ee lagu gaadhi karo isfahamka arrinta biyo xidheenka.
si kasta ha ahaatee,Dowladda Itoobiya ayaa ku adkasaysatay in ay sii wadi doonto qorshaheeda ay ku buuxineyso biyo-xidheenka bisha july haddii heshiis la gaadho iyo haddii kaleba.
Geesta kale,Waraaq Itoobiya ay u dirtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa ay ku sheegtay in aanay waajib sharci ku lahayn in Masar ay u daba fadhiistaan ogolaanshaha buuxinta biyo xidheenka.
Itoobiya, oo ay maraan 85% biyaha webiga Niilka, waxay had iyo jeer ku taagan tahay dhinaca si siman wax u wada qaybsiga biyaha biyo xidheenka iyada oo sababta Itoobiya biyo xidheenka u dhisanayso ay tahay si ay adeeg koronto u gaadhsiiso in ka badan 60% dadkeeda oo aan helin adeeg koronto