Shir lagaga wada hadlayey nabadgalyada degmooyinka xadka Soomaalida iyo Oromadu wadaagaan oo lagu soo gaba-gabeeyay maanta magaalada Hawaasa ee koonfurta dalka
Addis Ababa,Apr 04, 2021 (Megabit 26,2013 T.I (FBC/SOMALI)- Shirkan oo ay ka soo qeyb-galeen illaa 14 degmo oo labada dhinac ah, masuuliyiin heer deegaan iyo gobolba leh ayaa waxaa si wadajir ah u shir-guddoominahayey Mudane. Maxamed Axmed Gurey hoggaan kuxigeenka Xafiiska Nabadgalyada DDS iyo dhiggiisa Oromada Mudane. Sisay Hurisa.
Shirkan oo daba socday mid hore oo Jig-jiga ka dhacay, islamarkaana hal maalin socday, ayaa waxyaabaha lagaga wada hadlay waxaa ka mid ah; xoojinta nabadgalyada deegaannada xadka ah, is-dhexgalka bulshada iyo ka-hortagga waxkasta oo colaad keeni kara, dib-u-celinta barakaca aan illaa hadda lagu celinin deegaannadii ay hadda ka hor ka soo barakaceen ee labada dhinacba, la dagaallanka ganacsiga sharcidarrada ah (contraband) noocyadiisa kala geddisan, xakamaynta iyo ka-hortagga deegaamaynta cusub.
Illaa intii isbaddalku ka dhacay dalka waxaa xoogaystay xidiidhka labada dad iyo deegaan ee Oromada iyo Soomaalida, waxaana inta badan nabad buuxda lagu soo dabbaalay meelihii colaaduhu ka jireen.
SRTV Rasmi page