Fana: At a Speed of Life!

RW Liibiya oo kulan la qaatay dadka rayidka ah ee magaalada Sirte.

Addis Ababa june 22,2020 (Senee15,2012 T.I) (FBC/SOMALI)-Ra’iisal wasaaraha dalka Liibiya Fayez al-Sarraj iyo taliyaha mas’uulka ka ah waaxda howlgallada wadajirka ah ee saldhigyada Sirte- iyo Jufra ,ayaa axadii la kulmay dadka shacabka  si ay uga wada hadlaan tallaabooyinka lagaga badbaadinayo hanjabaadihii uu madaxweynaha Masar Cabdil-Fataax Al-sisi hawada usoo mariyay dawlada uu caalamku aqaoonsanyahay ee GNA.

Bayaan qoraal oo ay dawlada caalamku aqoonsan yahay ku baahisay barteeda Facebook-ga .ayaa madaxweynaha Liibiya Fayez al-Sarraj, iyo Ibrahim Ahmad Baytulmal oo ah taliyaha ciidamada hawl-galada ayaa ka wada hadlay arrinta uu madaxweynaha masar Cabdil-fataax Al-sisi uu ciidamadiisa ku keenay sal-dhigyada uu ku leeyahay soohdimaha magaala xeebeedka Libya ee Sirte iyo al-Jufra.

Intii uu socday kulankani, Baytulmal waxa uu ra’iisul wasaaraha uga warbixiyey arrimaha howlagallada iyo qaababka isku dubauridka ee loo habeeyay sal-dhigyada kale ee militariga.

Maalintii Sabtida ayay ahayd markii al-Sisi uu ka dhawaajiyay suurtagalnimada in la fuliyo “hawlgallo military oo  dibadeed haddii loo baahdo” waxaana na uu yidhi “faragelin shisheeye oo kasta oo toos ah oo dhanka Liibiya ka timaada waxay noqonaysaa  mid caalami ah.

Isagoo ka hadlayey magaalada Matrouh ee u dhow xuduuda Libya,Waxa uu ciidankiisa u sheegay inay u diyaar garoobaan fulinta hawlgal kasta oo ka dhaca xuduudooda, ama haddii loo baahdo meelo ka baxsan xuduudaheena.”Sirte iyo Jufra waa khad cas,” ayuu raaciyay.

Dawladda uu caalamku aqoonsanyahay ee GNA waxay billowday Hawlgallada Nabadda ka dhan ah Haftar bishii Maarso, si ay uga hortagto weeraradii uu xaftar ku hayay caasimadda Tripoli iyada oo  dhowaan dib ula wareegtay goobo istiraatiiji ah oo ay ka mid tahay Tarhuna, oo ah xaruntii ugu dambeysay xooggaga Haftar ee galbeedka Liibiya.

Dowladda Liibiya ayaa dhalleecaysay taageerada militari ee ay xaftar siiyaan dalalka Masar, Isutagga Imaaraatka carabta, Faransiiska iyo Ruushka ee ay malleeshiyadka xaftar weerarada kaga geysanayeen  casimadaTripoli, kaasoo billowday 4-tii bishii Abriil, ee 2019kii.

Anadolu Agency

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.