RW JDFI oo gaadhay Dalka Jabuuti si uu uga qayb galo Wadahadallada Hoggaamiyayaasha Somaliya iyo Somaliland.
Addis Ababa june 14,2020 (Senee 07,2012 T.I) (FBC/SOMALI)- Ra’iisal Wasaaraha JDFI DR.Abiye Axmed ayaa saaka gaadhay magaaladda Jabuuti ee waddanka Jabuuti ,si uu uga qayb galo shirka wada tashi ee lagu dhex-dhexaadinayo madaxda dalalka Soomaaliya iyo Soomaaliland.
Markii uu R/wasaaruhu gaadhay garoonka diyaaradaha ee magaalada jabuuti waxa isaga iyo weftigii uu hogaaminayay si diirran u soo dhaweeyay masuuliyiin sar-sare oo uu ku jiray xog-hayaha fulinta urur goboleedka IGAD Dr.Workneh Gebeyehu.
kulankan oo uu shir guddoominayo madax-weyaha dawladda Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Gelle waxa uu dhex mari doonaa madax-weynaha dawlada Somaliya mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Hoggaamiyaha Somaliland Muuse biixi Cabdi.
dhanka kale; waxa la filayaa in madashan ay goob-joogayaal ka noqdaan xubno ka tirsan Ururka midawga Afrika ( AU), midawga Yurub (EU), iyo dawladda Maraykanka si looga shaqeeyo isu soo dhawaynta labada dhinac.
Labada hoggaamiye ayaa horay ugu kulmay caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa bishii febraayo ee sannadkan.