RW Abiy oo kulan la qaatay xisbiyada siyaasadda iyo ururada bulshada rayidka ah ee dalka
Addis Ababa DEC 02, 2020 (Hidar 23,2013 T.I) (FBC/SOMALI)-Ra’iisal wasaare Abiy Axmed ayaa kulan wada xaajood isugu yeedhay xisbiyada siyaasada iyo ururada bulshada rayidka ah (CSOs) iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen guddiga doorashooyinka qaranka ee Itoobiya (NEBE).
Sida aanu kasoo xiganay xafiiska Ra’iisal Wasaaraha, munaasabadda waxaa loo soo agaasimay si looga wada hadlo doorashooyinka guud ee soo socda ee loo qorsheeyay inay qabsoomaan badhtamaha sannadka 2021.
Wadaxaajoodkan waxaa ka horreyeeyay soo jeediinno ku saabsan doorarka iyo masuuliyadaha daneeyayaasha muhiimka ah iyo hordhacyo ku saabsan nidaamyada doorashooyinka.
Intii dooddu socotay, kaqeybgalayaashu waxay isla soo qaadeen qodobada soo socda:
- In aan lagu deg degin doorashooyinka iyada oo aan la dhigin aasaaska lagama maarmaanka u ah.
- Abuurista jawi awood u siinaya xaqiijinta mudnaanta sharciga ee ka hor doorashooyinka.
- Meelmarinta xeerka anshaxa doorashada ee daneeyayaasha oo ay ku jiraan kormeerayaasha doorashada.
- Diiwaangelinta xisbiyada siyaasadeed ee sharciyaysan ee doorashada gelaya.
- ka qayb qaadashada xisbiyada siyaasadeed iyadoo mudnaanta la siinayo xeerarka doorashada.