Fana: At a Speed of Life!

Ra’iisal wasaare Abiy Axmed oo biyo-xidheenka weyn ee Itoobiya ku shirguddoomiyay kulankii Qiimaynta warbixinta waxqabadka 100kii maalmood ee hay’adaha dawlada federaalka

Addis Ababa,Jan 05,2022 (Tihsas 27,2014 T.I (FBC/SOMALI)-kulankii Qiimaynta warbixinta waxqabadka 100kii maalmood ee lasoo dhaafay ee dhammaan hay’adaha dawlada federaalka oo uu Ra’iisal wasaare Dr Abiy Axmed goob joog kayahay ayaa Xarunta biyo-xidheenka weyn ee  itoobiya (GERD) ee gubba ka bilaabmay.

Shirkan Qiimaynta oo uu shirguddoominayay Ra’iisal wasaare Abiy Axmed ayaa lagu cadeeyey in inkastoo ay sanadkan dhaqaalaha wadanka dhibaatooyin badan soo fool saareen, haddana kobac wanaagsan laga keenay qaybaha muhiimka ah ee dhaqaalaha dhinaca shirkadaha yar yar.

Sidookale ujeedada qiimayntan ayaa lasheegay in ay tahay sixida dhibaatooyinka, xoojinta iyo sii wadida natiijooyinka wanaagsan ee la soo hoyiyey.

Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed ayaa sheegay in wasaaraduhu ay horumar la taaban karo ka sameeyeen gaadhitaanka guulo waaxeed ku aaddan yoolalka loo dejiyay.

”Qiimayntayada 100-ka maalmood ee lasoo dhaafay waxay dejinaysaa jihada ka faa’iidaysiga guulaha la gaadhay ilaa hadda iyo abuurista fursado ka baxsan caqabadaha” ayuu soo dhigay bartiisa Twitterka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.