Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed iyo mas’uuliyiin sarsare oo garoonka diyaaradaha Bole kusii sagootiyay Madaxweyne Geelle
Addis Ababa,Oct 05,2021 (Maskarem 25,2014 T.I (FBC/SOMALI)-Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed iyo mas’uuliyiin kale oo sarsare ayaa garoonka diyaaradaha Bole waxa ay ku sii sagootiyeen Madaxweynaha jamhuuriyada Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.
Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa u ambabaxay dalka Jabuuti kadib markii uu shalay ka qeyb galay xafladda caleema-saarka dowladda cusub ee Itoobiya.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya, Uhuru Kenyatta, iyo Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo, Jean-Michel Sama Lukonde ayaa shalay fiidkii u umbabaxay kadib markii la soo gabagabeeyay xafladda dhismaha dowladda cusub ee Itoobiya.