Fana: At a Speed of Life!

QM oo sheegtay inaan la aqbali karin Afgambiga Myanmar

Addis Ababa,Feb 04, 2021 (Dir 27,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Xoghayaha guud ee QM Antonio Guterres ayaa sheegay Arbacadii in QM ay ka shaqeyneyso isu keeniddi waddamada waaweyn ee caalmka si ay cadaadis ugu saaraan Myanmar xaqiijinta inuu fashilmay, Afgambigii dhiigga aan ku daadan ee milatariga dalkaasi ay awoodda kula wareegeen

Antonio Guterres oo la hadlay Washington Post, ayaa sheegay in gabi ahaanba aan la aqbali karin, in laga laabto natiijada doorashooyinka uu aamisan yahay inay si caadi ah uga dhaceen dalkaasi Myanmar iyo rabitaanka shacabka.

Milatariga Myanmar oo afgambi ku qabsaday xukunka dalkaasi Talaadadii ayaa ku dhawaaqay xaalad deg deg ah oo ay dalkaasi kusoo rogeen, iyagoo xidhay hogaamaya sida dimqraadiga loo soo doortay ee Aung San Suu Kyi iyo kuxigeenkeeda.

Afgambiga ayaa yimid kadib maalmo xaalado kacsan ay u dhexeysay milatariga iyo xisbiga NLD oo ku guulaysaty doorashadii dhacday bishii November ee sanadkii hore, taas oo milatariga ay diideen inay aqbalaan natiijada kasoo baxday iyagoo ku eedeyay in la musuqmaaqay.

Xoghaya guud ee QM ayaa sheegay in Aung San Suu Kyi oo ah hogaamiyaha la afgambiyay ee xisbiga NLD, ay aad isugu dhowaayeen milatariga dalkaasi islamarkaana ay difaaci jirtay,, xadgudubyada arxan darrada ah ee milatariga ay kula kaceenn muslimiinta Rohingyaha, taas oo sababtay in ku dhowaad hal million oo muslimiinta ah ay u qaxaan dalka ay dariska yihiin ee Bangladesh saddex sanadood ka hor.

“Waxaan rajaynayaa in dimoqoraadiyadda ay mar kale horumar ka hergaliso Myanmar, laakiin waa in marka hore lasoo daayo dhamaan maxaabiistii la qabqabtay, dibna loo unko nidaamka dastuurka,” ayuu yidhi Antonio Guterres.

Waxuu uu intaasi ku daray inuu ku rajo weynahay in waddamada caalamka ay awoodi doonaan in arrinkaasi ay iaga yimaadaan.

VOA

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.