Muwaadiniinta Itoobiyaanka ah ee ku kala nool dalalka duwan ee caalamka iyo saaxiibada Itoobiya oo taageero u fidiyay muwaadiniintii waxyeelladu kasoo gaadheen weeraradii kooxda argagixisada TPLF
Addis Ababa,Jan 05,2022 (Tihsas 27,2014 T.I (FBC/SOMALI)-Muwaadiniinta Itoobiyaanka ah ee ku kala nool dalalka duwan ee caalamka iyo saaxiibada Itoobiya ayaa waxa ay taageero u fidiyeen muwaadiniintii waxyeelladu kasoo gaadheen weeraradii kooxda argagixisada TPLF.
Sida uu uu sheegay xafiiska af-hayeenka wasaaradda arrimaha dibedda, muwaadiniinta ku nool dalka Talyaaniga ee u dhashay Itoobiya iyo weliba saaxiibada eek u sugan goobta lagu magacaabo Perujiya, ayaa waxa ay muwaadiniintii ay soo barakaciyeen kooxda argagixisada TPLF ay ugu deeqeen wareeggii labaad labaad lacag uu cadadkeedu dhanyahay in ka badan 6 kun oo Yuuro.
Sidoo kale muwaadiniinta iyo saaxiibada Itoobiya, ee ku kala nool magaalada Dubai iyo waqooyiga Imaaraatka, ayaa waxa ay barakacayaasha iyo kaabayaashii horumarka ay burburiyeen ugu deeqeen 20,800 ( labaatan kun iyo sideed boqol) oo dirham.