Milateriga Suudaan oo xabsiga u taxaabay Ra’iisal-wasaare Cabdallah Xamduuk
Addis Ababa,Oct 25,2021 (Diqimti 15,2014 T.I (FBC/SOMALI)-Milateriga Suudaan ayaa xabsiga u taxaabay Ra’iisul-wasaarahii Sudan Cabdallah Xamduuk.Ra’iisul-wasaare Cabdalla Xamduuk ayaa saaka xabsi guri ay geliyeen dabley aan la aqoonin.
Hawlgalkan kahor, waxa la xidhay dhowr sarkaal oo rayid ah oo uu ku jiro la-taliyaha ciidanka Suudaan ahna taliyaha guud iyo xubin ka tirsan golaha sare ee talada haya.
Iskahor-imaadyo dhexeeya milatariga iyo kooxaha rayidka ah ayaa sii xoogaystay kaddib markii ay dowladdu ku dhawaaqday af-gambi dhicisoobay bishii hore. Magaalada Khartuum, waxaa xilligan ka go’ay adeeggii internet-ka, taasi oo adkaysay in la ogaado waxa socda.
La -taliyaha ra’iisul-wasaaraha iyo af-hayeenka golaha madax-bannaanida oo ay ku jiraan wasiirrada war-faafinta iyo warshadaha ayaa la xiray.
haddaba,Kuwan soo socdaa waa qaar ka mid ah wasiirrada, saraakiisha dowladda iyo hoggaamiyeyaasha xisbiyada illaa hadda loo taxaabay.
- Wasiirka Isgaadhsiinta Haashim al rasuul.
- Wasiirka Warshadaha Ibraahim Alshek
- Wasiirka War-faafinta Xamza Bulu
- Khaalid Yuusuf, madaxa arrimaha xukuumadda
- Maxamed Alfaki, Xubin ka tirsan golaha fulinta ee golaha FKMG
- Cumar Adegber, guddoomiyaha Xisbiga Congress -ka Suudaan
- Guddoomiyaha Xisbiga kacaanka Carabta, Cali Al-Riyaad Al-Sunxuuri
- Duqa Magaalada Khartoum Ayman Nimir iyo
- Jacfar Xasan, Afhayeenka Kacaanka Dimuqraadiga.
Ciidanka Hamiti ayaa lagu amray inay ilaaliyaan goobaha muhiimka ah ee Khartuum