Fana: At a Speed of Life!

Milateriga Myanmar oo Xukunka la wareegay

Addis Ababa,Feb 01, 2021 (Dir 24,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Milateriga Myanmar ayaa la wareegay awoodda dalkaas, kadib markii ay xabsiga u taxaabeen Aung San Suu Kyi oo uu xisbigeedu talada hayo iyo siyaasiyiin kale.

Telefishinka milateriga ayaa sheegay in xaalad degdeg ah Myanmar lagu soo rogay muddo sanad ah.

Afgembiga ayaa kusoo beegmaya kadib markii ay xukuumadda rayidka ah iyo taliska milateriga isku khilaafeen natiijada doorashadii sanadkii hore ka dhacday Myanmar.

Xisbiga NLD ee ay hogaamiso Aung San Suu Kyi, ayaa doorashadii November ka helay kuraasta baarlamaanka in ku filan, si uu u soo dhiso xukuumad cusub, balse ciidamada ayaa sheegay in codeyntaas ay ahayd mid la musuqmaasuqay.

Ciidanka ayaa dowladda ugu baaqay in ay dib u dhigto kalfadhiga baarlmaanka oo lagu waday in uu qabsoomo Isniinta maanta ah.

Afhayeenka xisbiga NLD, Myo Nyunt, ayaa wakaaladda wararka ee Reuters khadka telefoonka ugu sheegay, in Suu Kyi, madaxweyne Win Myint iyo hogaamiyeyaal kale la qabtay, aroornimadii hore ee saaka.

“Waxaan rabaa in aan dadkeena u sheego in aysan falcelin degdeg ah sameyn, waxaana doonayaa in ay sharciga raacaan,” ayuu yidhi, isagoona intaa ku daray, in uu filayo in isagana la xidhi doono.

Weriyaha BBC-da uga soo warrama Koonfur Bari Aasiya, Jonathan Head, ayaa sheegaya, in askar lagu soo daadiyay wadooyinka caasimadda Naypyitaw, iyo magaalada weyn ee Yangon.

Khadadka telefoonka iyo Internetka magaalada Naypyitaw ayaa go’an, sida uu ku soo warramayo weriyaha halkaas uga howlgala BBC-da laanteeda Burmese.

Askarta ayaa sidoo kale tagay guryaha madaxda wasiirada ee gobollo dhowr ah, iyagoona kaxeystay, sidaas waxaa yidhi xubnaha qoyska.

Sabtidii, ciidamada qalabka sida ee Myanmar ayaa balanqaaday in ay u hogaansamayaan dastuurka, iyadoo uu jiray walaac laga qabo inay isku diyaarinayeen in ay afgembi sameeyaan.

BBC.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.