Maxkamada heerka Federaal ee JDFI oo si buuxda howlaheedii shaqo ugu soo laabatay.
Addis Ababa Jul 20,2020 (Hamle 13,2012 T.I) (FBC/SOMALI)-Maxkamadda federaalka ee dalkan Itoobiya ayaa maanta si buuxda dib ugu soo laabatay howlaheedii shaqo ka dib Afar bilood oo xayiraadi saarnayd.
Maxkamadaha ayaa qaybo ka mid ahi xiyirnaayeen tan iyo badhtamihii bishii March ee sanadkan xanuunka Corona virus (COVID-19) awgeed.
Afartii bilood ee la soo dhaafay, maxkamaddu waxay si weyn diiradda u saareysay qaadista kiisaska dacwadaha u baahan in si deg deg ah loo fuliyo.