Fana: At a Speed of Life!

Maraykanka oo sheegay in aanu ka qayb noqon doonin dedaallada soo saarista tallaalka Covid-19

Addis Ababa Sep 2, 2020 (Nehaase 27,2012 T.I) (FBC/SOMALI)-Maamulka madaxweyne Trump ayaa sheegay in aanay qayb ka noqon doonin dadaallada isbahaysiga caalamiga ah ee lagu soo saarayo ,laguna qaybinayo tallaalka safmarka Covid-19 ,sababo la xidiidha ku lug lahaanshaha Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO).

Wargeyska Washington Post ayaa sheegay in aanu Aqalka Cad ku biiri doonin 172 waddan oo kale oo ka qeyb qaadanaya hindisaha ay hoggaamineyso WHO ”si loo hubiyo sidii loo heli lahaa tallaallo badbaado leh oo wax ku ool ah”.

Afhayeenka aqalka cad Judd Deere ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in Mareykanku “uu sii wadi doono la shaqeynta saaxiibadeena caalamiga ah si loo hubiyo inaan ka guuleysanayno virus-ka, laakiin uma hoggaansami doono ururo dhinacyo badan leh oo ay saameyn ku leeyihiin musuqmaasuqa hay’adda caafimaadka adduunka iyo Shiinahu”.

Madaxweynaha mareykanka Donald Trump ayaa ku weeraray  hay’adda caafimaadka adduunka ee(WHO) sida ay u waajahday cudurka ‘coronavirus’, waxaana uu ku eedeeyay inay u xaglinayso dhanka Shiinaha sababtoo ah sida ay ula tacaamushay hagitaankeeda ku aadan cudurka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.