Fana: At a Speed of Life!

Magaaladda Shinniile oo laga billaabay diwaan-gelinta kaadhka cod-bixinta doorashada 6aad ee dalka ka dhacaysa

Addis Ababa,Apr 20, 2021 (Miyasiya 12,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Qaar ka mid ah shacabka magaalada Shinniile ee xarunta gobolka Siti ayaa sheegay in kaadhka cod-bixinta oo aad qaadatid ay ka dhigantahay gudashada waajibaadka muwaadinnimo.

Sidoo kale, waxay carrabbaabeen;”in aad wax dooratid ama lagu doorto waxa ugu horreeya ee kuu sahlaya waa qaadashada kaadhka cod-bixinta doorashada, sidaa si lamid ah ay ka dhigan-tahay in aad ka faa’iideysatay xuquuqda dastuuriga ah ee aad dalka ku leedahay.” sidaa waxaa yidhi shacabka magalaada Shinniile oo goob-doorashooyinka magaalada Shinniile iska diwaan-gelinayey, islamarkaana qaadanayey kaadhka doorashada.

Dhinaca kale, iskuduwaha guddiga doorashooyinka gobolka Siti Muuse Jaamac Cabdi ayaa sheegay in goob-doorashooyinka kale ee degmooyinka ay kama dambayn maalinta isniinta ah la gaadhsiin doono goob doorashooyinka qalabka diwaan-gelinta cod-bixinta, si ay maalinta berri ah oo tallaada ah u billaabaan shaqadii diwaan-gelinta doorteyaasha.

Wuxuuna xusay in gobolka Siti 375 goob-doorasho iyo 1,125 hawl-wadeen oo qaatay tababarka qaabka loo diwaan-geliyo doorteyaasha.

Geestiisa, Kominshinneerka Komishinka Booliska gobolka Siti G/le Dhexe Mahad Xasan ayaa sheegay in diyaargaraw laga sameeyey hawlaha doorashada, gaar ahaan qalabka diwaan-gelinta shacabka in si nabadgalyo uu ku gaadho goob-doorashooyinka shaqada diwaan-gelinta ku billaabanto.

SRTV Rasmi page

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.