Madaxweyne Mustafe oo xarunta madaxtooyada qado-sharaf ugu sameeyay saraakiisha sare ee Ciidanka Xoogga Gaarka Ah ee DDS
Addis Ababa,July 12, 2021 (Hamle 05,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Madaxweyne Mustafe Muxummed Cumar ayaa xarunta madaxtooyada qado-sharaf ugu sameeyay saraakiisha sare ee Ciidanka Xoogga Gaarka Ah ee DDS.
Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida, Mudane Mustafe Muxummed Cumar ayaa kulan la qaatay saraakiisha sare ee Ciidanka Xoogga Gaarka Ah ee DDS. ujeeddada kulankan ayaana ah dar-dar-gelinta hawlaha amniga Deegaanka.
Madaxweynaha ayaa saraakiisha Ciidanka Xoogga Gaarka Ah ee DDS kula dardaarmay in ay sii xoojiyaan dadaallada dhinaca sugidda amniga gudaha, gaar ahaan ka-hortagga isku-dhacyada qabaa’illada gudaha iyo midka xudduudahaba.
Ugu dambayn, kulankani ayaa la iskula qaatay in nabadgelyada deegaanku ay tahay mid aad u fiican, sidaasi oo ay tahayna had iyo jeer loo baahan yahay in la sii xoojiyo, wax walbe oo amni-darro ku ah bulshadana si wadajir ah loola dagaallamo.
Kulankan kaddib, masuuliyiinta u sarraysa dawladda ayaa la qadeeyay saraakiisha sare ee Ciidanka Xoogga Gaarka Ah ee DDS. qado-sharaftani oo ka dhacday xarunta madaxtooyada Deegaanka ayaana ahayd mid ay xukuumaddu ugu talo’gashay saraakiishani.
SRTV Rasmi page