Madaxweyne Mustafe oo kulan la qaatay Hay’adda WFP
Addis Ababa,Apr 06, 2021 (Megabit 28,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Madaxweynaha DDS Mudane Mustafe Muxummed Cumar ayaa kulan la qaatay masuuliyiinta Hay’adda Cunnada Adduunka ee afka qalaad loogu soo gaabiyo WFP oo ugu horreeyo Steven Were Omamo oo ah agaasimaha guud ee hay’adda WFP ee dalka Itoobiya.
Kulankan nuxurkiisa ugu wayn waxa uu xambaarsanaa sida ha’yadda WFP ay uga qeyb-qaadan karto horumarinta nolosha bulshada Deegaanka.
Ha’yadda Cunnadda Adduunka oo ka shaqaysa gargaarka bini’aadamtinnimo iyo horumarka ayay xukuumaddu kala hadashay qaabka cunno deg-deg ah loo gaadhsiin karo bulshada degmooyinka qaar oo abaaro laga soo sheegayo, maadaama dawladdu ay ku mashquulsantahay biyo-dhaan joogto ah oo loo samaynayo bulshadaasi.
Balse hadda kaddib, ay muhiimtahay in ha’yadda WFP ay isu diyaariso qaabka ay Deegaanka Soomaalida uga hirgalin lahayd horumar bulshada manfac fiican u leh oo ay kaga maarmi karaan raashinka joogtada ah ee ay hay’addu bixiso.
Madaxweynaha ayaana fikir khaldan oo lagu wiiqayo awoodda iyo hanka bulshada Deegaanka Soomaalida ku tilmaamay raashinka deeqda ah ee joogtada loo siiyo bulshada, iyadoo la heli karo in qaab ka duwan oo ka sharaf badan shacabka deegaanka wax loogu qaban karo, iyadoo maalaayiinta raashinka lagu bixinayo loogu baddalayo dhinaca horumarinta nolosha, si isku-filaansho nololeed ay u gaadhaan bulshadu.
Masuuliyiinta hay’adda ayaa sidoo kale ballan qaaday in hadda kaddib ay ka shaqayn doonaan qaabkii loo horumarin lahaa nolosha bulshada Deegaanka.
Kulankani ayaa ka mid ah kulammo ay xukuumaddu la yeelanayso hay’adaha deeq-bixiyayaasha ah ee ka hawlgala Deegaanka Soomaalida, si ay dawladda ugala shaqeeyaan qaabkii nolol tan ka fiican loogu hagi lahaa bulshada, iyadoo xoogga la saarayo dhinaca horumarka.
SRTV Rasmi page