Maamulka Magaalada jigjiga iyo Hay’adaha Mercy Corps iyo DRC Oo Kala Saxeexday Heshiis Hal Sano Soconaya.
Addis Ababa,Feb 16, 2021 (Yekatit 09,2013 T.I (FBC/SOMALI)-heshiiskan ay kala saxeexdeen maamulka magaalada jigjiga iyo hay’adahan caalamiga ah iyo sidoo kale xafiiska curinta iyo technologiyada DDS oo farsamo ahaan ka taageeraya,ayaa ku kacaya guud ahaan aduun lacageed oo dhan 40 milyan oo birr,wuxuuna xooga saaraya horumarinta xarumaha adeega hal goob Ee magaalada ku yaalla sidii kor loogu qaadi lahaa suuqa hilibka oo iyadana meel ku haboon loo samaynayo iyo dhismayaal iyo sidoo kale maareynta qashinka magaalada.
mashruucan oo soconaya mudo labo sano ah ayaa sidoo kale fursado shaqo u abuuri doonaa dhalinyaro tiro badan.
waana barnaamij tijaabo ah oo hadii uu guulaysto sii balaadhan doona,sida uu sheegay maayirka maamulka magaalada jigjiga.
SRTV Rasmi page