Kulan wadatashi oo ay yesheen hay’adaha cadaaalada iyo shacabka xaafadaha magaalada Godey oo ka qabsoomey Magaalada Godey.
Addis Ababa,Mar 15, 2021 (Megabit 06,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Kulan wadatashiya oo ay yesheen hay’adaha cadaaalada iyo shacabka xafadaha magaalada Godey ayaa ka qabsoomey Magaalada Godey.
Kulankan lagaga arinsanayey sida ay tahay adeeg bixinta hay’adaha cadaaalada iyo caqabadaha kajira ee u baahan in wax laga saxo ayaa waxaa kulankan oo uu hogaminayay gudomiyaha maxkamada guud ee DDS mudane. C/lahi Siciid kasoo qeyb galey qeybaha kaladuwan ee hay’adaha cadaaalada iyo qaar kamida qeybaha shacabka xafadaha kaamulka Magaalada Godey.
Waxayna waxgaradka iyo odayaal dhaqameedka magaalada Godey oo kahadlay kulankan wadatashiga ay shegeen in uu isbadal wanaagsani kajiro adeeg bixinta hay’adaha cadaaalada balse wali ay jiraan arrimo ubahaan in lasaxo si loo helo cadaalad.
Gudomiyaha maxkamada guud ee DDS mudane C/lahi Siciid Cumar oo kahadlay kulankan wadatashiga ayaa sheegay in ay xoojin doonaan dabagalkooda si bulshadu ay uhesho garsoor cadaaladeed.
SRTV Rasmi page