Ku dhawaad 132 qof oo Itoobiyaan ah ayaa saaka dib ugu soo laabtay dalkooda
Addis Ababa Oct 21, 2020 (Tiqimti 11,2013 T.I) (FBC/SOMALI)-Ku dhawaad 132 qof oo Itoobiyaan ah ayaa saaka dib uga soo guryo noqday caasimada dalka Lubnaan ee Beyruut
Markii ay soo gaadheen gegida diyaaradaha caalamiga ee Bole waxaa halkaasi ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda.
Dalkan Itoobiya ayaa wada qorshe uu dib ugu soo celinayo 3,289 muwaadin oo ku sugan dalka lubnaan taas oo ah dufcadii sagaalaad islamarkaana qayb ka ah barnaamijka dib u soo celinta.