Dalkan Itoobiya oo toddoba qof hal maalin gudaheed u dhinteen feyraska karoona.
Addis Ababa june 7,2020 (Ginbot 30,2012 T.I) (FBC/SOMALI)- 6,092 baadhitaan oo la sameeyay 24 kii saacadood ee ugu dambeeyay waxa xanuunka covid-19 laga helay 86 qof oo ka mid dadkaas la baadhay .
Tirada guud ee xanuunka laga helay ayaa hadda maraysa 2020 kiis,iyada oo dadka cusub ee maanta xanuunka laga helay ay da’doodu u dhaxayso,7 ilaa 82 jir ,kuwaas oo 51 yihiin rag halka ay 35- ka kalena ka yihiin haween.
Dhammaan kiisaska la xaqiijiyay,waa muwaadiniin u dhalatay dalkan Itoobiya oo 66 ka mid ahi ay yihiin dad ku dhaqan Magaalada Addis Ababa, 7 kiis ayaa iyana laga xaqiijiyay D.Oromada,halka 7 qof kalena laga helay Deegaanka Tigray-ga ,4-na waxa laga diwaangeliyay D.shucuubta Koonfureed, sidoo kale waxa min Hal kiis laga diwaangeliyay Deegaanka Amxaarada iyo Maamulka magaalada diridhabe.
Geesta kale; waxa feyraska karoona kasoo caafimaaday 63 qof dheeraad oo ay 46 ka mid ahi ay ahaayeen bukaannadii ku sugnaa xarumaha daawaynta ee Magaalada Addis Ababa, D.D.Soomaalida ayaa sido kale waxa xanuunka ka bogsaday 13 ruux ,halka Deegaanka Oromada ay ka bogsadeen 3 qof iyo hal Deegaanka Amxaarada ah.
Wadarta guud ee bogsatay guud ahaan dalkan Itoobiya ayaa hadda noqotay 344.
Dhanka dhimashada, waxaa maanta xanuunka faafaha daran u geeriyooday 7 qof oo ay ku jirtay hooyo ku Umushay Cusbitaalka Eka kotobe islamarkaana u geeriyootay caabuqa covid-19.
Dhimashada guud feyraska karoona ee dalkan Itoobiya ayaa hadda ku taagan 27 ruux.