Kor u kacii Feyraska ee dalkan Itoobiya oo halkiisii kasii Socda.
Addis Ababa june 9,2020 (Senee 02,2012 T.I) (FBC/SOMALI)- 4,599 baadhitaan oo la sameeyay 24 kii saacadood ee ugu dambeeyay waxa xanuunka covid-19 laga helay 190 qof oo ka mid dadkaas la baadhay .
Tirada guud ee xanuunka laga helay ayaa hadda u boodday 2,336 iyada oo dadka cusub ee maanta xanuunka laga helay ay da’doodu u dhaxayso,1 ilaa 89 jir ,kuwaas oo 135 yihiin rag halka ay 55- ka kalena ay haween ahaayeen.
Dhammaan kiisaska la xaqiijiyay,waa muwaadiniin u dhalatay dalkan Itoobiya oo 153 ka mid ahi ay yihiin dad ku dhaqan Magaalada Addis Ababa, 16 kiis ayaa iyana laga xaqiijiyay D.Oromada,halka10 kalena laga helay Deegaanka Amxaarada ,2-na waxa laga diwaangeliyay D.Tigray-ga sidoo kale waxa min Saddex kiis laga diwaangeliyay Deegaannada Soomaalida ,Hereridda iyo Shucuubta koonfureed.
Geesta kale; waxa feyraska karoona kasoo caafimaaday 18 qof oo kale ,kuwaas Tirada guud ee xanuunka covid-19 ka bogsatay ka dhigaya 379.
Dhanka dhimashada, waxaa maanta xanuunka faafaha daran u geeriyooday 5 qof.
Dhimashada guud feyraska karoona ee dalkan Itoobiya ayaa hadda maraysa 32 ruux.
Dib u sixid ,shalay Tirada guud ee xanuunka laga helay guud ahaan dalkan Itoobiya waxa ay ahayd 126 ,sida ay dib kasoo sheegeen Wasaaradda Caafimaadka iyo mac-hadka fayo-dhawrka Itoobiya.