Fana: At a Speed of Life!

Kiisaska Feyraska karoona ee Dalkan Itoobiya oo sare ugu kacay 1934.

Addis Ababa,june 6,20(Ginbot 29,2012 T.I) (FBC/SOMALI)-24 kii saacadood lasoo dhaafay kadib markii 5500 ,oo qof lagu saameeyay baadhitaanada sheybaadhka waxa caabuqa koroonaha laga helay 129.

Wasiiradda wasaaradda cafimaadka JDFI,Dr.Liya Tadese oo faafahiin ka bixisay amuurtaas ayaa caddeysay in 1934 ay gaadhay tirada guud ee qaba faayraska covid19 ee dalkan Itoobiya

Dr.Liya waxay sheegtay in 124 kamid ah dadka haatan laga helay caabuqa koranaha ay muwaadiniin Itoobiyaan yihiin,halka 5 qof kalena u kala dhasheen dalalaka Koomfurta Afrika,Imaaraadka Carabta,Mareykanka,Eretiriya iyo Sudan.

Waxay kale oo sheegtay in 129 qof ee faayraska laga helay ay daadoodu u dhaxeyso 1sano- ilaa 90 sano,101 kamid ahna ayaa ah bulshada degan A/Ababa,halka 10 ruxna ka tirsan yihiin Deg.Amxaarada,6 qofna D.D.Somaalida,Tigrayga 5 qof,Oromiya 5 qof,Herarida 1 qof iyo Gambelaha 1 qof.

Dr.liya ayaa sidoo kale sheegtay in 24kii saacadood 19 qof guud ahaan dalka ay ka bogsadeen covid19 ka, taasina 281 qof ay ka dhigeyso tirada guud ee ka bogsatay caabuqa korana guud ahaan dalka tan iyo marki ugu horeysay badhtamihii bishi maarij 2020 u ka dilaacay safmarka Koroonuhu dalka Itoobiya.

Waxayna intaasi ku dartay in ilaa iyo maanta 136,860 qof laga baadhay faayraska koronaha 1631 kamidna ay wali ku jiraan xarumaha daaweynta ee dalka.

Dr.liya waxay intaas ku dartay in sido kale 24ki saacadood ee lasoo dhaafay haweeney 80 jir ahayd ay u geeriyootay covid19- ga taasii oo hal saacad kadib marki ay xanuun kale oo hayay awgeed u timid isbitaalka geeriyootay;kadibna lagu ogaaday inay faayraska u dhimatay marki baaditaanka lagu sameyay meydkeeda.

20 ruux ayaa la rumeysan yahay inay guud ahaan dalka u geeriyoodeen caabuqa koranaha tan iyo badhtamihii march 2020  xilligaas oo ahayd markii kiisaskii ugu horreeyay laga diwaan geliyay dalka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.