Fana: At a Speed of Life!

Jaaliyadaha geeska Afrika ee magalaada Columbus ee dalka Maraykanka oo sameeyay dibad-baxyo ay kaga soo horjeedaan kooxda argagixisada ah ee TPLF

Addis Ababa,Jan 05,2022 (Tihsas 27,2014 T.I (FBC/SOMALI)-Jaaliyadaha geeska Afrika ee magalaada Columbus ee dalka Maraykanka ayaa sameeyay dibad-baxyo ay kaga soo horjeedaan kooxda argagixisada ah ee TPLF.

Jaaliyadaha geeska Afrika ee ku dhaqan gobolka Ohio ee dalka Maraykanka ayaa isugu soo baxay magaalada Columbus, iyaga oo cambaareeyay kooxda argagixisada ah ee TPLF, faro-gelinta reer-galbeedka ee siyaasadda gudaha dalalka qaaradda Afrika iyo ku-xad-gudubka qarannimada Itoobiya.

Waxaa goobta ka hadlay masuuliyiin iyo dad saamayn ku leh bulshada dhexdeeda oo baaq u diray beesha caalamka, gaar ahaan Maraykanku in uu xoogga saaro kaalmada dhinaca aadamaha ee dalka Itoobiya, islamarkaana ka gaabsado faro-gelinta qaawan ee siyaasadda gudaha.

Waxaana dadkii  bannaanbaxaa ka hadlay ka mid ahaa Sh. Horseed Nuux oo sheegay in TPLF ay tahay koox argagixiso ah, islamarkaana dhibaato ba’an ka geysatay guud ahaan geeska Afrika 27-kii sano ee la soo dhaafay oo ay mudan tahay in lagu soo oogo dambiyadii ay gaysteen ee ka dhanka ahaa xuquuqda aadamaha.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.