Itoobiya oo dhammaystirtay laba-meeelood ka mid ah hawshii looogu talogalay goobaha laga sii daynayo biyaha biyo-xidheenka
Addis Ababa,Apr 19, 2021 (Miyasiya 11,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Wasiirka wasaaaradda biyaha ,waraabka iyo tamarka JDFI Eng,Selashi Bekele ayaa shaaca ka qaaday in ay la dhammaystiray laba-meeelood ka mid ah hawshii looogu talogalay goobaha laga sii daynayo biyaha ee biyo-xidheenka weyn ee Itoobiya( GERD).
Labada duleel ee biyo-mareenka ayaa waxa ay awoodi karaan in biyaha laga sii daayo sannadka oo dhan.
Waxa kale oo uu sheegay in goobahaasi marka la buuxiyo biyo-xidheenka,ay sii kordhin doonaan biyaha u rogmanaya dhinaca dalalka uu maro webiga Abay ,wuxuuna xusay in dalalka ku yaalla dhinaca hoose ee biyo-xidheenka ,aanay wax dhibaaato ahi kusoo waajahnayn.