Guddida Abaal marinta caalamiga ah ee nabadda oo sheegay in aanay ka laaban doonin go’aankoodii.
Addis Ababa june 9,2020 (Senee 02,2012 T.I) (FBC/SOMALI)-Guddiga bixiya Abaal marinta caalamiga ah ee nabadda (Nobel peace prize-ka) ee Noorway ayaa maanta muujiyay sida ay uga go’an tatahay inay ku socdaan go’aankii Ra’iisel Wasaaraha JDFI Dr.Abiy Axmed ay ku guddoonsiiyeen abaal marinta caalamiga ah Nabadda ee 2019 kii lagu xaqiijiyey saxnimada go’aanka.
Arrintan ayaa timi ka dib markii qaar ka mid ah Guddigga Nobel-ku, ay soo saareen warbixin sheegaysa in abaalmarintii Nabadda ee la siiyay Ra’iisul Wasaare Dr. Abby Axmed ,ay dib uga fiirsanayaan in ay kala noqdaan abaal marinta.
Warqadan la soo saaray maanta, Guddiga Abaalmarinta Nobelka waxay ku dhawaaqday in aanay oggolaan doonin kala noqosho ka dib bixintii abaalmarinta .
Waxa kale oo lagu tilmaamay in abaalmarinta Nobel aan la joojin ilaa sanadkii 1901,oo ahayd xilligii la bilaabay bixinta abaalmarinta Nobel-ka .
Guddigu wuxuu ku faraxsan yahay inuu shaaciyo in abaalmarinta Nabadda ee Nobel ee uu ku guuleysatay Abiy Axmed sannadkii 2019 kii, ay timid ka dib dadaalladii uu ku bixiyay nabad iyo iskaashi caalami ah, oo dhex mara Itoobiya iyo Ereteriya kuwaas oo ay colaad ba’ani ka dhex alloosnayd sannado badan.