Golaha Wasiirrada JDFI oo yeelanaya kal-fadhi lagu gorfaynayo Waxqabadkii sanadlaha ahaa.
Addis Ababa, June 24, 2020(Senee 17,2012 T.I)(FBC/SOMALI) –Golaha Wasiirrada JDFI ayaa maanta yeelanaya kal fadhi ,si ay dib-u-eegis ugu sameeyaan waxqabadkii dawladda ee muddo sanndeedkii 2012 T.I.(2019/20).
Shalay, Goluhu waxa uu dib u eegis ku sameeyay waxqabadkii dhaqaale ee xafiisyada wasaaradaha, sida uu RW Dr. Abiy Axmed ku baahiyay bartiisa Twitterka .
Kalfadhigan maanta, xafiisyadu waxa ay soo bandhigi doonaan waxqabadkii laga helay waaxaha (qaybaha) bulshada, sida uu Ra’isal wasaaruhu ku sheegay warbixinta.