Golaha Hawl-fulinta DDS oo fadhigoodii labaad kaga dooday sicir-bararka ka jira Deegaanka
Addis Ababa,Aug 02 ,2021 (Hamle 26,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Kal-fadhiga labaad ee Golaha Hawl-fulinta Deegaanka oo ka qabsoomay xarunta madaxtooyada Deegaanka ayaa lagaga wada hadlay qodobbo kala duwan.
Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida, Mudane Mustafe Muxummed Cumar ayaa golaha u soo jeediyey qorsheyaasha horyaalla oo kala ah:
- Wax-ka-qabashada xaaladda sicir-bararka maciishadda.
- Ka-wada-hadalka koodh u-samaynta dayactirka buundada Kaaramardha.
- Ansixinta miisaaniyadda nabadgelyada.
Qodobbadan waxaa faah-faahin ka bixinayey masuuliyiinta ay khusaysay. intaa kaddib ayeyna gurigu si ballaadhan uga doodayeen qorsheyaashan si la is kula meel-dhigo fikirro iyo tallo-bixinooyin turxaan tiran oo xal u noqonaya qorsheyaasha horyaallay golaha oo ay ugu horreyso xaaladda sicir-bararka maciishaddu.
Madaxweyne Mustafe ayaa sheegay in ay lagama-maarmaan tahay helitaanka xal waara oo lagu dhimayo maciishadda, taasi oo ganacsato iyo shacabba looga baahan yahay in ay ku garab-istaagaan xukuumadda.
Goluhu waxa ay isla qaateen dhaqan-gelinta qodobbadan soo socda si wax looga qabto kor-u-kaca maciishadda:
- In si deg-deg ah loo sameeyo shirkad ay dawladdu leedahay oo soo dejisa noocyada raashiinka.
- In dawladda Fadaraalka ah laga dalbado sidii raashiinka canshuur dhaafka ah loogu fasixi lahaa Deegaanka.
- Ganacsatadu in aysan xidhin meherahooda ama bakhaaradooda, sidii caadiga ahaydna ay u iibiyaan noocyada raashiinka; cid kaste oo lagu helo iyada oo xidhay ama si khaldan wax u iibinaysana in tallaabo laga qaadi doono.
- Dhammaan bangiyada, xawaaladaha iyo shakhsiyaadka ku lug leh kor-u-kaca iyo isbaddelka xaaladda sarrifka iyo lacagaha in tallaabo deg-deg ah laga qaadi doono.
Wasiirka Xafiiska Madaxweynaha, Mudane Xasan Maxammed Xuseen iyo Wasiirka Xafiiska Ganacsiga Iyo Warshadaha, Mudane Bashiir Shaafi oo la hadlay war-baahinta kulankan kaddib ayaa bulshada ugu baaqay in aysan maqlin waxyaabaha been-abuurka ah ee la dhex-wado bulshada, taasi oo la doonayo in lagu khal-khal geliyo shacabka.
SRTV Rasmi page