dhowr qof oo Itoobiyaan ah, oo ku dhintay dab ka kacay xarun lagu xidho muhaajiriinta oo ku taal dalka Yemen
Addis Ababa,Mar 09, 2021 (Yekatit 30,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Wasaaradda arrimaha Dibadda ee dalkan Itoobiya (MoFA) ayaa sheegtay in dhowr qof Itoobiyaan ahi ku dhinteen dab maalinnimadii axadda ahayd ka kacay xarun lagu xidho muhaajiriinta oo ku taal Yemen.
Danjire Dina Mufti ahna afhayeenka wasaaradda arrimaha ayaa u sheegay suxufiyiinta maanta in iyada oo loo sii marayo safaarada Itoobiya ee Cumaan, ay dowladdu ka shaqeyneyso inay ogaato tirada saxda ah ee muhaajiriinta Itoobiyaanka ee ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay shilka.
Wuxuu sheegay in dawlada Itoobiya oo kaashanaysa hay’addaa socdaalka aduunka ee IOM ay sidoo kale wado dadaalo ay ku doonayso inay kaga soo daad gureyso dadka ka shaqeeya goobahaas.
Dhinaca diblomaasiyadda oo xudun u ah muwaadinka, Afhayeenku wuxuu sheegay in toddobadkii hore wadar ahaan 733 muwaadin oo Itoobiyaan ah ,in laga soo daadgureeyay dalalka Bariga.