Fana: At a Speed of Life!

Dalkan Itoobiya oo diiwaangeliyay 136 kiis oo cusub iyo 17 Bogsasho ah 24 kii saac ee lasoo dhaafay.

Addis Ababa june 8,2020 (Senee 01,2012 T.I) (FBC/SOMALI)- 4,775 baadhitaan oo la sameeyay 24 kii saacadood ee lasoo dhaafay waxa xanuunka covid-19 laga helay 136 qof oo ka mid dadkaas la baadhay .

Tirada guud ee xanuunka laga helay ayaa hadda maraysa 2,156. dadka cusub ee maanta xanuunka laga helay ayaa da’doodu u dhaxaysaa,1 ilaa 97 jir ,kuwaas oo 85 yihiin rag halka ay 51 – ka kalena ka yihiin haween.

kiisaska la xaqiijiyay,124 ka mid ahi waa muwaadiniin u dhalatay dalkan Itoobiya ,halka12 ka  kale ay kasoo jeedaan waddamo kale.

115 ,kiisaska cusub ee maanta waxa laga diiwaangeliyay  Magaalada Addis Ababa, 9 kiis ayaa iyana laga xaqiijiyay D.Oromada,halka 7 qof kalena laga helay Deegaanka Tigray-ga ,hal kiis -na waxa laga diwaangeliyay D.shucuubta Koonfureed, sidoo kale waxa min laba kiis laga diwaangeliyay D.D.Somaalida iyo D.Herarida

Geesta kale; waxa feyraska karoona ka bogsaday 17 qof dheeraad kuwaas oo tirada guud xanuunka ka caafimaaday ka dhigtay 361.

Ilaa hadda waxa xanuunka u jiifa (jirran) 1,766 qof oo ay 32 ka mid ahi ay ku jiraan xaalad il-darnaan ama halis ah

Guud ahaan dalkan Itoobiya waxa ilaa hadda feyraska koroona laga baadhay 147, 735 qof.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.