Fana: At a Speed of Life!

Dalkan Itoobiya oo diiwaangeliyay 131 kiis oo feyraska koroona ah.

Addis Ababa june 22,2020 (Senee 15,2012 T.I) (FBC/SOMALI)- 3,238 baadhitaan oo la sameeyay 24 kii saacadood ee ugu dambeeyay waxa xanuunka saf-marka covid-19 laga helay 131 qof oo ka mid dadkaas la baadhay .

Tirada guud ee xanuunka laga helay ayaa hadda gaadhay 4,663 iyada oo dadka cusub ee maanta xanuunka laga helay ay da’doodu u dhaxayso,2 ilaa 80 jir ,kuwaas oo 94 yihiin rag halka 37- ka kalena haween yihiin.

Dhammaan kiisaska la xaqiijiyay,waa muwaadiniin u dhalatay dalkan Itoobiya marka laga reebo hal qof oo ajaanib ah

98 ka mid ah dadka xanuunka laga helay waxa ay ku dhaqanyihiin Magaalada Addis Ababa, halka 16 kiis oo kale laga xaqiijiyay D.Oromada ,4-na  laga diwaan geliyay D.D.Soomaalida ,sidoo kale waxa min 3 kiis laga xaqiijiyay D.Canfarta, Shucuubta koonfureed iyo magaalada diridhabe,halka iyana min hal kiis laga helay deegaannada Amxaarada iyo Tigrayga ,D.Gambeela ayaa isna laga diwaangeliyay 2 kiis oo feyraska ah .

Dhanka dhimashada, waxaa maanta xanuunka faafaha daran u geeriyooday hal qof oo kale.

Dhimashada guud feyraska karoona ee dalkan Itoobiya ayaa hadda maraysa 75 ruux ,halka xanuunka ay kasoo caafimaadeen 84 qof ,24 kii saacadood ee u dambeeyay kuwaas 79 ka mid ahi ay Addis Ababa ku dhaqan yihiin halka min laba qof -na ay ka bogsadeen Deegaannada Oromada iyo Tigrayga iyo sidoo kale Hal ruux oo D.shucuubta koonfureed ah ayaa isna feyraska kaso caafimaaday, kuwaas oo Tirada guud ee feyraska ka bogsatay ka dhigaya 1297.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.