Fana: At a Speed of Life!

Dalkan Itoobiya oo ayyiday mowqifkiisii ku aadanaa biyo xidheenka ka dib warqad uu qoray Golaha Ammaanka ee QM.

Addis Ababa, Jun 23, 2020 (Senee,16,2012) (FBC/SOMALI) -Dalkan Itoobiya ayaa ayyiday mowqifkiisii ku aadanaa biyo xidheenka ka dib warqad uu qoray Golaha Ammaanka ee QM.

Ku dhawaaqida go’aankan ayaa timid kadib markii Masar mar labaad ugu baaqday golaha Ammaanka ee Qaramada in ay soo fara galiyaan wadahadalada sedex geesoodka ah ee biyo xidheenka.

Warqad ay u dirtay Itoobiya Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSC), waxay mar kale ku celisay in buuxinta biyo xidheenka aanu halis ku ahayn nabadda iyo ammaanka.

Dhanka kale Itoobiya waxay walaac ka muujisay codsigii labaad ee Masar ay u dirtay Golaha Ammaanka ee Qaramada midoobay ka dib markii ay burbureen wadahadalladii saddex geesoodka ahaa ee ku saabsanaa biyo-xidheenka.

Wasiirka arrimaha dibedda JDFI Gedu Andargachew, oo warqad u qoray golaha ammaanka waxa uu mar kale ku celiyey in mashruucan biyo-xidheenka Itoobiya aanu wax dhibaato ah u geysan doonin waddamada uu maro webiga niilku isla markaana keeni doonin halis xagga nabadgelyada iyo ammaanka ah.

Warqadan uu diray Wasiirka arrimha Dibadu waxa uu ku tilmaamay in tallaabooyinka Masar ay qaaday loola danleeyahay sidiii Itoobiya loogu soo rogi lahaa cadaadis siyaasadeed iyo mid diblomaasiyadeed-ba .

“Ma aha in dib loo fiirsado heshiisyadii xilliyadii gumeysiga ee wabiga Niilka ,kaas oo ltoobiya ka saaraya qodobka wadahadallada”.ayuu yidhi Gedu.

Gedu waxa uu ku cadeeyay warqada, in wadahadalada hada socdaa ay salka ku hayaan buuxinta kayd biyoodka biyo xidheenka laakiin ma aha arimaha saamiga biyaha.

Itoobiya waxay mar kale caddaysay inay ka go’antahay sii wadida wada hadallada ku saleysan u isticmaalka biyah webiga niilka si ku dheehan cadaalad iyo caqli gal isla markaana dhameystirto biyo xidheenka iyada oo aan wax dhibaato ah u geysanin wadamada uu maro webigu.

Arrintaasi Waxa ay jirtaa Masar oo cabsi gelineysay Itoobiya si ay u sheegato mas’uuliyadda suurta galnimada nabadgeliyada iyo halista ammaan ee la xidhiidha dhismaha biyo-xidheenka dalkan Itoobiya. ayaa warbixinta loogu gudbiyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.