Fana: At a Speed of Life!

Daacish oo war kasoo saartay xidhiidhka dalalka Imaaraadka,Bahrain iyo Israel

Ababa Oct 19, 2020 (Tiqimti 09,2013 T.I) (FBC/SOMALI)-Kooxda Daacish ayaa cambaareysay xidhiidhka ay Imaaraadka Carabta iyo Bahrain la sameysteen Israel, waxaana ay ku baaqday weeraro aargudasho ah oo laga fuliyo Sacuudi Carabiya.

Afhayeenka Daacish Abu Hamza al-Quraishi ayaa cod muuqaal ah oo lasoo dhigay barta Telegram waxa uu ku sheegay in heshiisyada lala galay dalka Yahuudda uu la macno yahay “qiyaameyn lagu sameeyey” Islaamka.

Bahrain iyo Imaaraadka Carabta ayaa labadaba xulufo la ah Saudi Arabia, oo weli aan xidhiidh diblomaasiyeed oo rasmi ah la yeelan Israel.

Sacuudiga waxay sheegeen in xidhiidh ay la yeeshaan Israel uu ku xidhan yahay in la helo dal ay leeyihiin Falastiiniyiinta, inkasta oo la rumeysan yahay inuu xidhiidh hoose kala dhaxeeyo.

Afhayeenka Daacish ayaa dagaal-yahanada kooxdiisa iyo Musliimnta kale ugu baaqay inay weeraro ka dhan ah reer galbeedka ka fuliyaan boqortooyada Sacuudiga oo ay ku yaalaan labada goobood ee ugu barakeysan Islaamka.

Waxa uu sidoo kale ku baaqay inay beegsadaan dhuumaha shidaalka ee dalkaas.

Waxa uu sheegay in Sacuudiga ay taageereen xidhiidhka Bahrain iyo Imaaraadka la yeesheen Israel ayaga oo hawada dalkaas u furay diyaaradaha Israel ee ku socda dalalka Khaliijka ee deriska la ah.

VOA

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.