Fana: At a Speed of Life!

Ciidamada Myanmar oo toogtay 2 qof ,xilli weli dibadbaxyadii ay taaganyihiin

Addis Ababa,Mar 08, 2021 (Yekatit 29,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Ugu yaraan laba qof ayaa ladilay halka qaar kalena ay dhaawacyo kaso gaadheen ka dib markii ay ciidamada amniga dalka ay Myanmaar rasaas nool nool oodda kaga qaadeen mudaaharaadayaal ka bannaanbaxayay waqooyiga dalkaasi,sida ay maanta oo Isniin ah soo werisay warbaahinta gudaha ee Myanmar.

Ciiddamada qalabka sida ayaa rasaas furay si ay u kala kaxeeyaan dadkii rabashadaha dhigayay ee ku sugnaa magaaladda Myitkyina ee caasimada gobolka Kachin sida uu sheegay wargayska maxaliga ah ee Myitkyina News Journal.

Toddobaadkii hore Booliiska dalka Myanmar ayaa rasaas ku furay dibadbaxayaal halkaasi oo ay ugu yaraan 18 qof ku dhinteen.

Iskudhacyada ciiddamada dalka Myanmar iyo dibadbaxaayaasha ayaa halkoodii kasii socda iyadoo dibadbaxayaasha iyo militarigaba aanay muuqan in go’aankooda ay ka laabanayaan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.