Fana: At a Speed of Life!

Ciidamada amniga ee dawladda oo soo afjaray weerarkii Hotel Afriik

Addis Ababa,Feb 01, 2021 (Dir 24,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Ciidamada ammaanka ee dawladda Soomaaliya ayaa xalay soo gabo-gabeeyay weerar ismiidaamin ah oo rag hubaysan oo la sheegay inay ka tirsanaayeen ururka Al-shabaab, ay ku qaadeen Hotel ka Afriik ee magaalada Muqdisho oo ku yaala Jidka taga gegida diyaaradaha Caalamiga ah ee Aaden Cadde.

Ugu yaraan sagaal qof oo uu ka mid ahaa General Maxamed Nuur Galaal, iyo dad kale oo rayid ah ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen weerarka, in ka badan 10 qof oo kalena way ku dhaawacmeen.

Afar ka mid ah dadka dhintay ayaa ahaa raggii weerarka soo qaaday sida uu xalay warbaahinta u sheegay afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliya, Gaashaanle Sadiiq Doodishe.

Dadka dhaawacmay ayaa lagu daweynayaa cusbitaalada magaalada Muqdisho.

VOA.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.