Fana: At a Speed of Life!

R/Wasaaraha oo saadaaliyay in 6% ay ku kordhayso dhaqaalaha sanadka dalkan Itoobiya.

Addis Ababa june 8,2020 (Senee 01,2012 T.I) (FBC/SOMALI)-Aqalka golaha baarlamaanka JDFI, ayaa isugu yimid kulunkiisii shanaad ee aan caadiga ahayn iyada oo R/Wasaare Abiy Axmed na  uu kaso kasoo qayb galay kulankani.

R/Wasaaraha ayaa ka jawaabaya su’aalaha ay mudanayaasha  goluhu ku weydiinayaan madasha kuwaas oo diiradda lagu saarayo faafitaanta koroona Feyras, warbixintii xadgudubyada ee ay soo saartay hay’adda u doodda xaquuqda bani Adamka ee Amnesty ,doorashooyinka soo socda iyo Arrimo kale.

isaga oo ka jawaabayay  su’aal la xidhiidhay saamaynta xanuunka saf-marka ah ee karoona feyras waxa uu yidhi ”Itoobiya sida ummadaha kale waxa ay ku yeelan doontaa qaybteeda bana aadantinimada iyo saamaynta dhaqaale ee uu  geystay feyrasku”.

Sida ay sheegtay Hay’adda lacagta Adduunka ee IMF, kobaca mugga ganacsiga ee adduunka ayaa hoos u dhacay 27% iyada oo 170 dal na  ay diiwaangelin doonaan koboc dhaqaale oo aan fiicnayn sannadkan, koroona feyras awgeed.

Qiyaastii 350 milyan oo qof ayaa shaqooyinkoodii waayey, dalxiiska ayaa hoos u dhacay 80% , shirkadaha diyaaradaha ayaa lagu qasbay in ay 90% baajiyaan duullimaadyadoodii caalamiga ahaa ee adduunka ,COVID-19 awgii.

Sida uu sheegay R.wasaaruhu itoobiya waxa ay qaybteeda ku lahaanaysaa dhammaan saamayn taas uu keenay feyraska koroona haddii ay ahaanayso xawilaadii iyo kobocii dhaqaalahaba.9% kobaca dhaqaale ee la saadaalinayay inuu ku kordho miisaaniyadda sanadkaani wuxuu hoos ugu dhici doonaa 6%.

iyada oo uu jiro xanuunka faafaha ee daran karoona feyras ,dhoofinta Bunka dalka waxa ku koradhay 16% ,taas dhakhli ahaan ay kaso xarootay $667 milyan halka dhoofinta hilibkana ay ku korodhay 21% oo ka dhigaysa $41 milyan muddadii 10kii bilood ee la soo dhaafay.sida uu xusay  ra’iisal wasaarahu.

isaga oo ka hadlaya xaaladda feyras ee dalka, ayuu yidhi, faafitaankiisu waa sii kordhayaa waqtiba ka waqtiga ka dambeeya. Tirada kiisaska la xaqiijiyay ayaa hadda mararaya 2,020 iyada oo ilaa hadda ay feyraska u dhinteen 27 ruux.

Si kor loogu qaado awooda baadhitaannada, in ka badan 31 sheybaadh ayaa la sameeyay 3dii bilood ee la soo dhaafay oo keliya. iyada oo baadhitanaadana ay baxayso 14,000 maalin kasta marka lagu daro sheybaadhadda kale ee bilaha Juun iyo Luulyo, ayuu yidhi.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dowladda federaalku ay u qeybisay lacag dhan 400 milyan oo doollar Dawlad Deegaannada  iyo maamulada magaalooyinka si looga caawiyo la dagaalanka feyraska.

marka loo yimaado dhinaca beeraha, dowladda waxaa ka go’an in ay hubiso in dhul aan la beerini aanu jiri doonin xilligan waxbeerasha ,ayuu sheegay Ra’iisul Wasaarahu.

Waxa kale oo uu  sheegay in kabadan 10,000 oo mashiinnada biyaha tuura ee bamka, 14.6 milyan oo tan oo bacrimiyayaal ah iyo 755,000 litir oo kiimikooyin beeraha ah, loo qaybiyay beeraleyda.

Isaga oo ka jawaabaya walaaca laga qabo haynta biyaha ee harada Tana, ayuu Ra’iisul Wasaaruhu sheegay in dawladdu ay fiiro gaar ah siisay la dagaalanka geedaha haramada ee dhibta ku haya deegsiga mashiinada iyo awoodda dadka.

Si kastaba ha noqotee, wuxuu yidhi, isticmaalka mashiinnada iyo awoodda aadanaha ma aha xalka ee waxayna u baahan tahay ilaalinta deegaanka sidii  muddada fog ah xal waara loogu heli lahaa ,si xididada loogu siibo dhibaatada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa intaa ku daray in la soo  iibinayo qalab kale oo dheeri ah, kaas oo sidoo kale lagula dagaallamayo geedaha haramaha.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.