Fana: At a Speed of Life!

Aqalka Federeeshanka:Doorashada Qorshaysan ee deegaanka Tigray-ga waa mid aan waafaqsanayn dastuurka

Addis Ababa Sep 6, 2020 (Baagume 1,2012 T.I) (FBC/SOMALI)-Golaha federeeshanka JDFI ayaa sheegay in qorshaha dowlad deegaanka Tigray-ga ee ah in doorashada ay qabsadaan Arbacada soo socota ay tahay mid aan dastuurka waafaqsanayn.

Bayaan ay soo saareen mudanayaasha aqalka federeeshanku ka dib kulan aan caadi ahayn oo ay yeesheen shalay ,ayaa Goluhu waxa uu cod aqlabiyad leh ugu codeeyay in aan la aqoonsan natiijada doorashada ee deegaankaas.

Bayaanka waxa lagu yidhi, asaasidda guddiga doorashada, go’aannada iyo howlaha ay wadaan golaha dowlad-deegaanku dhammaantood waxay ku xadgudbayaan dastuurka dalka.

Sida ku xusan qodobka 9aad, faqradiisa 1aad ee dastuurka dalkan Itoobiya, go’aannada iyo arrimaha la xidhiidha lama aqoonsan doono lamana dhaqan gelin doono, ayaa lagu yidhi bayaanka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.