Aqalka Baarlamaanka JDFI oo yeeshay kal-fadhigoodii 16aad ee caadiga ahaa
Addis Ababa june 11,2020 (Senee 04,2012 T.I)-Aqalka golaha baarlamaanka JDFI ayaa maanta yeeshay kal-fadhigoodii 16aad ee caadiga ahaa oo ka qabsoomay hoolka shirarka ee Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha.
Aqalka ayaa la filayaa in uu ka doodo qobyo qoraalka miisaaniyad sannadeedka cusub ee soo socda ee dalkan Itoobiya iyo inay ansixiyaan miisaaniyadii, ay soo gudbiyeen guddida joogtada dhaqaalaha ee baarlamaanku.
Sidoo kale waxa la filayaa in baarlamaanku meel mariyo dib u dhigista tirakoobka Afraad ee qaranka iyo Tirakoobka guryahaba kaas oo ay labada aqal kal fadhi wada jir ah ka yeelan doonaan.
Xafiiska baarlamaanka ayaa sheegay in guddiga Joogtada ah ee Dakhliga, Miisaaniyadda iyo Maaliyadda ay kormeeri doonaan isla markaana ansaxin doonaan bayaanka qabyada ah ee loola gol-leeyahay gaar-yeelidda shirkadaha horumarinta ganacsiga dadweynaha.
Sida uu sheegay xafiisku, guddiga joogtada sharciga, cadaalada iyo arrimaha dimoqraadiyada ee aqalku waxa ay go’aan ka gaadhi doonaan sharciyaynta Golaha Sare ee Arrimaha Islaamka iyo Golaha Kaniisadaha Itoobiya.