Fana: At a Speed of Life!

Af-Hayeenka Cusub ee Aqalka federeeshanka oo wacad ku maray in ay Isbedello Samayn doonaan.

Addis Ababa june 22,2020 (Senee 15,2012 T.I) (FBC/SOMALI)-Afhayeenka Aqalka federeeshanka JFFI mudane Aadan Faarax ayaa wacad ku maray in ay Isbedelo wax ku ool ah ku samayn doonaan aqalka.
Af-hayeenka iyo ku xigeenkiisa Etsegenet Menegistu ayaa maanta kulankoodii ugu horeeeyay la yeeshay Guddiga Joogtada ah ee Aqalka ,madaxda Xafiiska iyo Agaasimayaasha golaha.

Intii kulankani socday waxa lagu lafa guray guulihii muhiinka ahaa ee uu gaadhay goluhu(aqalku) muddo(Tirsi) sannadeedkan Itoobiya.

Kulanka ayaa sidoo kale lagaga dooday guud ahaan habsami u socodka howlaha iyo meelaha ay tahay in Golahu diirada saaro mustaqbalka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.