Itoobiya iyo Bankiga adduunka oo kala saxeeday heshiiis gargaar oo dhan 137.35 Milyan oo Dollarka Maraykanka ah.
Addis Ababa,Mar 10, 2021 (Megabit 01,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Itoobiya iyo Bankiga adduunka ayaa kala saxeeday heshiiis gargaar oo dhan 137.35 Milyan oo Dollarka Maraykanka ah.
Deeqdaas gargaarka ah ee la kala saxeexday waxa dhinaca Itoobiya u saxeexay marwo yaasmiin Wahaabraabi,halka dhinaca bankiga adduunka uu heshiiskan u saxeexay Wakiilka Itoobiya u jooga bankiga adduunka Mudane Cismaan Diyoon.waxaana 14.85 Milyan oo lacagtaas ka mid ah loo adeegsan doonaa waxkaqabashada saamayntii uu cudurka Covid-19 ku yeeshay dhinaca waxbarashada.
sidoo kale 122.5 Milyan oo lacagtaas ka mid ah ,waxa loo isticmaali doonaa dedaalka loogu jiro baahinta waxbarashadooda.
Mar sii horraysay bankiga adduunka ayaa waxa uu dalkan Itoobiya ka caawiyay mashaariico la xidhiidha dhanka horumarka.