Fana: At a Speed of Life!

Xafiiska Deegaanka,Kaymaha iyo Isbedelka Cimilada DDS oo Sheegay in guud ahaanba La Joojiyey Ka Ganacsiga Sharci Darada ah Ee Buurta kaaramardha

Addis Ababa,Mar 09, 2021 (Yekatit 30,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Xafiiska Deegaanka,Kaymaha iyo Isbedelka Cimilada DDS Ayaa Sheegay In Guud Ahaanba La Joojiyey Ka Ganacsiga Sharci Darada Ah Ee Buurta kaaramardha.

Buurta Kaaraamardha Ee Duleedka Magaalada Jigjiga Oo ah buur Taariikh Fac-Wayn leh kuna haboon Goobaha dalxiiska ayaa waxaa jira dad iyagu uga ganacsada si sharci daro ah iyagoona burburinaya qiyaamka buurta,una gaysanaya burbur.

Burburkan loo gaysanayo ayaana waxyeeloKu noqday dadka iyo degaanka buurta karamardha.

Wasiirka xafiiska deegaanka,kaymaha iyo isbedelka cimilada DDS ayaa sheegay in guud ahaanba la joojiyey burburinta sharci darada ah ee lagula kacay buurta kaaramardha ee duleedka magaalada jigjiga iyagoo kashanaya xafiiska nabadgalyada iyo guud ahaan hay’adaha Amaanka,Cidii lagu arkana sharciga la horkeeni doono.

Burburka sharci darada ah Ee loo gaysto buurta kaaramardha ayaa meel kadhac ku ah sharciga ama bayaanka xakamaynaya samaynta deegaanka iyo bulshada.

SRTV Rasmi page

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.