Fana: At a Speed of Life!

Ra’iisal wasaaraha Suudaan oo kaladiray golaha wasiirrada ee dalkaasi

Addis Ababa,Feb 08, 2021 (Yekatit 01,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Ra’iisal wasaaraha dalka Suudaan Cabdalla Xamdok ayaa shalay kala diray golaha wasiirada ee dalkaasi ,waxaana la filayaa inuu ku dhawaaqo gole wasiirro oo cusub maalinnimadan Isniinta ah.

Bayaan uu soo saaray  xafiiska ra’iisal wasaaraha ayaa lagu sheegay in wasiirradu ay xilka sii hayn doonaan inta kuwa cusub ay kala wareegayaan xafiiska.

Suudaan ayaa waxa ka arriminayay gole kumeel gaadh ah tan iyo sanadkii 2019 markaas xukunka laga tuuray madaxweynihii hore Cumar Al-Bashiir.

Suudaaan ayaa u jihaysatay dhanka dimoqraadi ah ka dib markii meesha laga saaray Al-Bashiir oo madaxweyne dalaakasi ka  ahaa ku dhowaad muudo30 sano ah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.