Fana: At a Speed of Life!

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo (DRC) oo loo doortay guddoomiyaha Midowga Afika ee 2021

Addis Ababa,Feb 07, 2021 (Dir 30,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Madaxda Dowladaha Midowga Afrika (AU) ayaa u doortay, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo (DRC)  FelixTshisekedi in uu noqdo Guddoomiyaha cusub ee Midowga Afrika sannadkan 2021.

Madaxweyne Ramaphosa oo jagadan guddoomiyaha hayay ,islamarkaana uu muddo-xileedkiisu dhammaaday ayaa khudbadiisii xil wareejinta waxa uu guddoomiyaha cusub ee Midowga Afrika ahna maxadaxeynaha Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Congo u rajeeyay inuu noqdo mid guuleysta, wuxuuna u mahadceliyay Madaxda Dowladaha xubnaha ka ah Midowga Afrika iyo sidoo kale xafiiska shaqada wareejinaya ee Midowga Afrika, taageeradii ay siiyeen mudadii uu xilka hahay oo uu sheegay in in ay ku suntanayd dhibaato dhanka fayadhowrka oo sababtay cudurka safmarka Covid-19.

Dhankiisa ,Madaxweyne Tshisekedi oo khudbadiisii xil la wareegista madasha caleemasaarka ka jeediyay wuxuu sheegay inay sharaf gaar ah u tahay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo in la siiyo fursaddan Guddoomiyaha Midowga Afrika.

Tan iyo 2002-dii waxa xilalka guddoomiyaha midowga Afrika soo qabtay 19 hoggaamiye oo ka mid ah xubnaha dawladaha ee Midowga Afrika ,waana xil sannadle ah oo hadba hoggaamiye dal loo doorto jagadan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.